Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jubbaland oo magaalada Kismayo ku qabatay munaasabadda daahfurka Qaab-dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Jubaland.

0
163
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland ayaa  magaalada Kismayo ku qabatay munaasabadda daahfurka Qaab-dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Jubaland.
Munaasabaddan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta nidaamka la socodka, cabbirka waxqabadka, iyo qiimeynta saameynta barnaamijyada horumarineed ee dowladdu fuliso, si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo tayada qorsheynta horumarineed.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo iyo shaqaale farsamo, iyadoo si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Farah Mukhtaar Daauud.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay ujeeddooyinka qaab-dhismeedka iyo sida uu ula jaanqaadi doono Qorshaha Horumarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota.