Wasiirka Qorshaynta dowladda Jubaland oo Nairobi kula kulmay Xoghayaha Guud ee Laanqayrta Cas si loo xoojiyo iskaashiga wax ka qabashada arrimaha bini’aadanimo.

0
180
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Jubaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaan magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Laanqeyrta Cas (Red Cross) Dr. Axmed Idris, kaas oo ay ka wada hadleen sidii Jubaland isaga kaashan lahaayeen arrimaha bini’aadanimo iyo kuwa horumarineed, gaar ahaan wax-ka-qabashada saameynta abaaraha.
Jubaland oo wajahayso caqabado bini’aadanimo oo ka dhashay abaaraha, ayaa dadaal badan ku bixinaysa, xoijinta wada shaqeynta kala dhaxaysa daneeyayaasha muhiimka ah, si deg-deg loogaga jawaabo baahiyaha taagan ee u baahan gurmad iyo wax-ka-qabasho degdeg ah.
Kulanka Wasiirka iyo xubnaha kale ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta, waxaana rajadu tahay in mustaqbalka dhow si wax-ku-ool ah la isaga kaashan doono arrimahan mudnaanta leh.