Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay Tababar ku Saabsan U-diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Masiibooyinka

0
157
Ayadoo Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah CARE waxa ay tababar muhiim ah ku qabatay magaalada Kismaayo.
​Tababarkan oo ku saabsan U-diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Masiibooyinka (Disaster Preparedness & Response), waxaa ka faa’iideysanaya 25 xubnood oo isugu jira haween iyo gabdhaha dugsiyada dhigta.
​Wasaaraddu waxay mudnaanta siinaysaa in haweenka iyo gabdhuhu noqdaan kuwo leh aqoon iyo karti ay ku hagi karaan bulshadooda xilliyada Adag.