
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubbaland, Mudane Caydiid Suleyman Xaashi ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Xarunta Dhexe ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Kenya (KDF), gaar ahaan Sector 4.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sii joogteynta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga ku aaddan horumarinta, ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta KDF warbixin kooban ka siiyay xaaladda Saadaasha El Niño iyo Khataraha deegaanka ee la filayo inay ka dhashaan, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo diyaar-garow wadajir ah si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd adkeynta xiriirka iyo kobcinta wada-shaqaynta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta KDF ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo guul, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen diyaar u ahaanshaha sii xoojinta iskaashiga dhinaca ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







