
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Jubaland Maxamed Nuur Cali, ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada amniga magaalada Dhobley.
Wasiirka, oo wali ku guda jira hawlihii shaqo ee uu u joogay magaalada Dhobley, ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay dhiirrigelinta iyo garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca shacabka iyo ilaalinta nabadda Jubaland.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay ciidamada dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyaan sugidda amniga, isagoo ku booriyay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo adkeeyo nabadda iyo wadajirka bulshada.
Dhankooda, taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada magaalada Dhobley ayaa si weyn u ammaanay dadaalka iyo taageerada uu Wasiir Maxamed Nuur Cali u muujiyay ciidanka, iyagoo uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee uu la garab taagan yahay ciidamada amniga ee Jubaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







