Wafdi ka socda Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland oo kormeer iyo qiimeyn ku sameeyay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobleey

0
181
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubaland, Mudane Saacid Cabdullaahi, isla markaana ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada ee Wasaaradda iyo injineerro ka socday hay’adda WFP, ayaa  gaaray degmada Dhoobleey.
Ujeeddada safarkan ayaa ahayd kormeer iyo qiimeyn lagu sameynayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobleey, kaas oo qorshuhu yahay in dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyo.
Intii uu wafdigu ku sugnaa degmada waxaa qiimeyn ku sameeyen xalada dhabta ah ee garoonka.
Mashruuca dhismaha iyo dib-u-habaynta Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobleey waxaa fulinaya hay’adda WFP, halka maalgelintiisana uu bixinayo Bangiga Adduunka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland mudane Saaacid Cabdullaahi ayaa sheegay in dib-u-dhiska garoonku uu door weyn ka qaadan doono kobcinta ganacsiga, fududeynta isku socodka dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta amniga iyo horumarka guud ee degmada Dhoobleey.