Wafdi ka socda Wasaaradda tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowladda Jubbaland oo kormeer ku tagay Shirkadda biyaha Doolow

0
187
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Noor Siyah, ayaa  booqday xarunta ay ku shaqeeso 𝐃𝐨𝐨𝐥𝐨𝐰 𝐖𝐚𝐭𝐞𝐫 𝐂𝐨𝐦𝐩𝐚𝐧𝐲, oo ah shirkad bixisa adeegyada biyaha ee degmada Doolow.
Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa kulan la yeeshay maamulka shirkadda, iyagoo ka wada hadlay howlaha shirkaddu qabato.
Kulanka kadib, masuuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay goobaha kala duwan ee ay ku shaqayso shirkada.
Kulanka Agaasimaha waxaa ku wehlinaayay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineerka wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo, Iskuduwaha Degmada Doolow, iyo masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada biyaha ee deegaanada Jubaland.