Booliiska New Zealand oo baadi goobaya shakhsiyaad kadanbeeyo dilka wiil soomali ah .

72

Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa shalay lagu dilay wiil Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku dhufteen shakhsiyaad ay weli ku raad joogaan booliska magaaladaas, iyadoo ay socdo baaritaan la xiriira dilkiisa.

Magaalada Auckland ayaa ka mid ah magaalaayinka ay Soomalida ugu badan ee waddanka New Zealand ay deganyihiin.

Cabduqaadir Maxamed Xasan oo kamid ah Soomalida kunool Magaalada Auckland ayaa sheegay in dilka Wiilka Soomaliga ah markii uu dhacayay aysan ka warheyn qoyskiisa, hayeeshee Ciidamada Booliska Magaalada kusoo wargeliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabduqaadir in booliiska magaalada ay wali kuraad joogaan cidii kadambaysay dilka wiilka soomaliga ah .