Dowlada Kenya oo Markale ku celisay in ay xirayso Xeryaha Dhadhaab

1409

Dowladda Kenya ayaa waxa ay markale ku dhawaaqay in ay xirayso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, ka dib markii ay kordheen falal Amnidaradda ee ka dhaca Gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay geystaan maleeshiyada Alshabaab .

Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in tilaabaddaan ay timid ka dib markii dadkii dhawaan weeraray Hoteelka Dusit 2 ee Magaalada Nairobi ay kasoo galeen dalka Kenya dhanka Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Kenya waxa ay sheegtay   in waraaqaha  maleeshiyada Al-Shabaab ay kusoo galaan dalka Kenya laga sameeyo xeryaha Dhadhaab, taasina ay khatar ku tahay Ammaanka guud ee dalka Kenya.

2017-kii maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay go’aankii hore ee Dowladda dalkaasi ku xiraysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaali ah  dadkaas qaar kamid ah ayaa dib ugu laabtay dalka, balse waxaa weli ku nool kumanaan qoys oo kale  oo sugaya Raja ah inta uu dalka soomaaliya ka dhalaneysa dowlad Awood leh oo xagameen karta Amaanka. Kana shaqeysa  Arimaha Bulshada