
Guddomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa qaabilay Madaxa iyo Wakiilka Hay’addaha Concern world wide iyo life line Gedo (LLG).
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo isku dubbaridka gargaarka bani’aadannimo ee Hay’adda, gaar ahaan taageerada loo fidiyo bulshada xilliyada adag.
Gudoomiye Lafeey ayaa uga mahadceliyey Hay’adda taageerada joogtada ah iyo wada-shaqaynta dhow ee ay la leedahay Maamulka, xilli guud ahaan dunidu wajahday hoos u dhac ku yimid deeqaha caalamiga ah.
Kulanka waxa sidoo kale ka qeyb galay Madaxa mashariicda iyo xiriirka Hay’addaha iyo Isuduwayaasha wasaaraddaha Degaanka iyo Howlaha guud ee Jubbaland


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







