Booliska Jubbaland oo Dhoobley ka Fuliyay Hawlgal Ka Dhan ah Maandooriyaha

0
190
Ciidamada Booliska Dowladda Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa wali sii wada hawlgallada ay kula dagaallamayaan dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaan xashiishka iyo qamriga, kuwaas oo dhibaato ku haya bulshada.
Hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Dhoobley ayaa lagu baacsaday dadka ku lugta leh ka ganacsiga muqaadaraadka. Intii uu socday hawlgalkan ayaa ciidamada Booliska waxay gacanta ku dhigeen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha, kuwaas oo kala ah laba dhalinyaro ah iyo hal qof oo dumar ah.
Saraakiisha Booliska ee degmada Dhoobley ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah dadka ka ganacsada maandooriyaha, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay la dagaallanka muqaadaraadka iyo ganacsiga sharci darrada ah ee lagu faafiyo.
Sidoo kale waxay bulshada ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo lagu tuhmo ka ganacsiga maandooriyaha si loo ilaaliyo amniga iyo badqabka bulshada.