
Wasiirka Aminga Gudaha Dowlada Jubaland, Janaraal Yuusuf Cusmaan Dhuumaal, oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Qaybta Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa maanta xariga ka jaray Saldhiga cusub ee deegaanka Buula Xaaji, oo qeyb ka ah dadaallada lagu tageerayo Xasilinta Deegaanadda, ilaalinta kala danbeeyta iyo sharciga.
Wafdiga safarka ee tagay deegaanka Buula-xaaji iyo xarig jarka saldhiga cusub ee deegaanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland, Mudane Maxamed Yuusuf Cumar, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland, Janaraal Ismaaciil Saxardiid, Gudoomiyaha ahna Duqa magaalada Kismaayo, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne).
Dhanka kale, waxaa deegaanka la geeyey Taliyaha cusub ee Saldhiga Buula-xaaji, ku xigeenkiisa, iyo ciidamo Boolis ah, kuwaas oo ka howlgali doono deegaanka hada wixii ka dambeeyo.
Mashruuca Xasilinta Deegaanadda ayaa qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Jubaland iyo Midowga Yurub isla hirgaliyeen iskana kaashadaan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







