Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan dib-u-eegis loogu sameynayo mashaariicda UNICEF taageerto.

0
1
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan ku saabsan isku-dubaridka iyo dib-u-eegista dhammaadka sanadka ee mashaariicda ay taageerto hay’adda UNICEF.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubaland, Mudane Faarax Mukhtaar Da’uud, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Mudane Maxamed Deeqow Xuseen, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Jubaland, Mudane Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi, Agaasime-waaxeedyo ka kala socday wasaaradaha Jubaland, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Jubaland, mas’uuliyiin ka socday hay’adda UNICEF iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi ayaa kulanka soo xirtay, ayadoo isu imaatinkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda iyo dib-u-eegista mashaariicda ay taageerto hay’adda UNICEF ee ka socda Jubaland.