Wasiirka ka bilow Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo Kismaayo ka daahfuray kulanka 9-aad ee guddiga hagidda mashruuca adkeysiga isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada

0
2
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay kulanka 9-aad ee guddiga hagidda mashruuca adkeysiga isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada, kaas oo ay taageerto Dowladda Jarmalka, isla markaana ay fulintiisa qeyb ka qaadato hay’adda GIZ.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubaland, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ahna ku simaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Jubaland, agaasime-waaxeedyada wasaaradaha Jubaland, sarkaal ka socday hay’adda GIZ, guddoomiyeyaasha tuulooyinka hoos yimaada degmada Kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubaland, Maxamed Mursal Xirsi, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka, kaas oo diiradda saaraya xoojinta adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada iyo horumarinta sugnaanta cuntada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda, hay’adaha taageera mashaariicda horumarineed iyo bulshada, si loo horumariyo wax-soo-saarka beeraha, loona xoojiyo awoodda bulshada ee ka jawaabista caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.