Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland oo Kismaayo loogu soo xiray tababar hal bil socday oo ku saabsanaa tacaddiyada Jinsiga

0
113
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa Degmada Kismaayo ku soo gabagabeeyey tababar sodan maalmood (1 bil) socday oo ku saabsanaa tacadiga ka dhanka ah Jinsiga oo loo qabtay cutub ka tirsan Booliska Dolwaddda Jubaland.
Aqoon kororsigaan oo uu si isku-tashi ah u maalgaliyey Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, ayna iska kaashadeen bixintiisa macalimiin ka socota Taliska Qaybta Booliska iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa waxaa si rasmi ah usoo xiray Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, ayadoo ka qaybgaleen xafladda soo afmeerida Hoggaanka Qorshaha iyo Tababarada, Dhamme Shukri Faarax Ducaale iyo qaar kamid ah hey’adaha bah-wadaagta la ah Booliska Jubaland ee ka shaqeeya arimaha ku saleysan tacadiga (SGBV) iyo baqbaadada caruurta.