Wasiirka Beeraha iyo waraabka dowladda Jubbaland oo kulan la yeeshay UN Women si loo xoojiyo horumarinta haweenka iyo beeraha

0
156

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, mudane Geelle Maxamed Aadan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UN Women.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, mudane Cali Aadan Sonkor, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane Maxamed Mursal Hirsi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UN Women, gaar ahaan horumarinta haweenka, kobcinta ka-qaybgalka haweenka ee beeraha, iyo taageeridda mashaariicda la xiriira sugnaanta cuntada iyo waraabka.

Wafdiga ayaa Wasaaradda la wadaagay dadaallada ay ka wadaan Jubbaland, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda haweenka beeraleyda ah si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo horumarka bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka ayaa soo dhoweeyay wafdiga, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga noocan oo kale ah si loo gaaro horumar waara oo dhinacyada beeraha iyo horumarinta haweenka.