Wasiirka Amniga Jubbaland oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay UN-POLICE, UNDSS iyo Booliska Sierra Leone

0
127
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka kala socday hay’adaha UN-POLICE, Booliska Sierra Leone, iyo UNDSS (Qaramada Midoobay qeybta Amniga iyo Badqabka).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta tayada adeegyada booliska, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo kor u qaadidda xirfadaha ciidamada booliska, tayeynta howlaha Traffic Police-ka, iyo xoojinta dadaallada lagu la tacaalayo tacadiyada la xiriira jinsiga.
Wasiirka ayaa bogaadiyey taageerada iyo wada-shaqeynta ay hay’adahani la leeyihiin Jubbaland, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo ciidan boolis oo aqoon, karti iyo hufnaan leh si loo xaqiijiyo amniga iyo badqabka bulshada.
Dhankooda, wafdiyada ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo kor u qaadidda tayada shaqada booliska Jubbaland.