Kulanka Wasaaradda Tamarta Jubaland iyo Hay’adaha WASH-ka oo Looga Hadlay Tayeynta Adeegyada Bulshada

0
173
Waxaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowladda Jubaland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen Wasaaradda iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH).
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda, iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada la gaarsiiyo bulshada.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha la xiriira dabagalka, isla xisaabtanka iyo dardargelinta mashaariicda WASH-ka, iyadoo Wasaaraddu adkaysay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam hufan oo lagu xaqiijinaayo fulinta mashaariicda si waafaqsan baahiyaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta bah-wadaagta, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee deegaanada Jubaland.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa soo xiray shirka, isaga oo uga mahadceliyay hay’adaha iyo bah-wadaagta ka qeyb galay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ee Jubaland.