Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Jubbaland oo ka qayb galay shir looga hadlayey mashruuca taageerada dadka nugul ee BAXNAANO.

0
176

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa mashruuca BAXNAANO.

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan muhiim ah oo ku saabsan isku-dubaridka mashruuca BAXNAANO (BOOST-YOU), kaas oo diiradda saaraya horumarinta ilaalinta bulshada iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Mudane Salim Alio Ibrow, oo si rasmi ah u daah-furay shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah si loo gaaro horumar waara.

Kulanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdi Cabdullaahi Raabi, iyo xubno ka socday Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaana sidoo kale goob-joog ahaa Madaxa Mashruuca BAXNAANO, Fardowsa Ahmed Abdullahi.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si loo dardar geliyo hirgelinta mashruuca BAXNAANO, loona hubiyo in bulshada nugul ay helaan taageero joogto ah, isla markaana dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

Intii uu kulanku socday, waxaa la isla falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu gaarsiin karo adeegyada bulshada dadka u baahan, iyadoo sidoo kale la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka ilaalinta bulshada iyo kor u qaadista shaqo-abuurka dhalinyarada, taas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo xasilloonida bulshada.