
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Jubbaland Axmed Xaaji Cabdullaahi oo uu wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Faarax Cali Aaweys ayaa si rasmi ah uga dhagax dhigay Xaafadda Farjano gaar ahaan Waaxda Halgan Iskuulka Halgan oo baahi weyn ay u qabeen bulshada ku nool deegaankaas.
Dugsigan waxaa laga hirgelinayaa mashruuca GPE, kaas oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladda Jubbaland iyo hay’adda Save the Children si loo xoojiyo helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha waxbarashada, laguna taageerayo carruurta iyo bulshada ku dhaqan Xaafadda Halgan iyo guud ahaan degmada Kismaayo.
Bulshada Xaafadda Halgan ayaa muujisay farxad iyo soo dhoweyn diirran iyagoo tilmaamay in mashruucan uu wax weyn ka beddeli doono baahida waxbarasho ee deegaanka, isla markaana uu yareyn doono ciriiriga iskuulada kale.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







