
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa si nabada deegaanka ka jirto loo dhirageliya habeennimo kormeer ku tegay xeeryaha barakacyaasha, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo heeganka ciidanka.
Gudoomiyaha yaa mid mid u booqday goobaha ay ciidanka rontada ka hayan, isagoo la kulmay qeybaha kala duwan bulshada xeerada kaxareey iyo Maamulka, wuxuu ku bogaadiyey dadaalka iyo feejignaanta ay muujiyeen, gaar ahaan xilliyada habeennimada oo muhiim u ah sugidda amniga.
Gudoomiye lafeey ayaa faray ciidamada iyo Maamulka Kaxareey in ay sii laba jibbaaraan heeganka, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan shacabka si loo xoojiyo nabadgelyada Degmada Doolow.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Doolow Mudane Aadan bare Ali, Taliyaha amniga Doolow Mohamed Hassan Buulle iyo saraakiisha amniga.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







