Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo Bulshada Kismaayo kullan la qaatay

36
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa magaalada Kismaayo kulan wacyigelin ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankan oo diiradda lagu saaray Isbeddelada Diblumaasiyadeed, Yareynta Deeqaha iyo Dhiirrigelinta Wax-soo-saarka, waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Jubbaland, siyaasiyiin, ganacsato, dhalinyaro, haween, aqoonyahanno, ururada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kale ee bulshada magaalada Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Dowlada Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa si qoto dheer uga hadlay isbeddelada diblumaasiyadeed ee ka socda dunida iyo sida ay saameyn togan iyo tabanba ugu yeelan karaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.
Waxa uu sidookale xusay hoos u dhaca ku yimid deeqihii beesha caalamka ay siin jirtay Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.
Intii uu kulanku socday, dadkii kasoo qayb galay ayaa si weyn u muujiyay Muhiimada uu Bulshada u leeyahay kulankaa, iyagoo xusay in mowduucu yahay mid xilli xaasaasi ah kusoo beegmay. Waxa ay sidoo kale wasiirka su’aalo muhiim ah weydiiyeey Mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qeyb galay madashaas.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland ugu jirto kor u qaadidda fahamka bulshada ee isbeddelada caalamiga ah iyo baahida loo qabo hannaan wax-soo-saar ku dhisan, si loo helo horumar waara.