Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Jubbaland oo Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha wakiilada Jubbaland ku qaabilay xafiiskiisaa

0
165
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Wakiillada Jubbaland, kuwaas oo u kuurgalayay howlaha shaqo ee wasaaradda.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda, waxaana uu guddiga siiyay warbixin ku saabsan dadaallada socda ee dhisidda goleyaasha deegaanka.
Wasiirka ayaa caddeeyay in hadda la bilaabay howlaha dhismaha saddex degmo oo kala ah Afmadow, Ceelwaaq iyo Dhoobley, isla markaana kulamo hordhac ah ay ka socdaan magaalada Kismaayo si loo dejiyo nidaamka dhismaha degmooyinkaas.
Guddiga ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta iyo warbixinta faahfaahsan, iyagoo bogaadiyay dadaalka wasaaradda, waxaana la isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta qorshayaasha la xiriira dhismaha goleyaasha deegaanka.