Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Kismaayo ka Daahfurtay Shir Lagu Xoojinayo Wada Noolaanshaha Bulshada

0
279
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mohamed Ogle ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shir lagu wacyigelinayo bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada noolaanshaha iyo isdhexgalka bulshada.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku-xigeenka degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Madaxa xasilinta ee Wasaaradda, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga hadlay muhiimadda ay leedahay nabadeynta, wadajirka, iyo isku xirnaanta bulshada Jubbaland, si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka degaanka.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in kulamadan lagu xoojinayo wada noolaanshaha iyo nabadda bulshada Jubbaland.