Wasiirka amniga gudaha Jubbaland oo la kulmay La-taliyaha amniga ee qaramada midoobay.

0
4
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jackson Ben Draza, oo ah La-taliyaha Amniga ee Waaxda Amniga iyo Badbaadada Qaramada Midoobay (UNDSS) u qaabilsan Deganada Jubbaland.
Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga Dowladda Jubbaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee degnada Jubbaland,xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland iyo UNDSS, iyo horumarinta isku-duwidda hawlaha amniga si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala deegaannada Jubbaland.
Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay is-weydaarsiga xogaha amniga, xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya hay’adaha amniga iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga lagu taageerayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo laamaha amniga, isaga oo carrabka ku adkeeyay in iskaashi xooggan uu muhiim u yahay ilaalinta amniga, badbaadada shaqaalaha iyo fududeynta howlaha hay’adaha ka howlgala deegaannada Jubbaland.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubbaland ee lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee hay’adaha caalamiga ah, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka bulshada.