Dowladda Hoose ee Kismaayo oo dardargelinaysa dhameystirka biyo-mareenka waddada Hormuud

0
223
Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa si dardar leh u wada howlaha dhameystirka biyo-mareenka ku yaalla waddada Hormuud, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu hagaajinayo nidaamka daad-mareenka magaalada.
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, ayaa maanta kormeer indho-indheyn ah ku tagay goobta ay shaqadu ka socoto, si uu u hubiyo heerka ay marayso howsha iyo tayada shaqada la qabanayo.
Intii uu ku sugnaa goobta, Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu ku bogaadiyey injineerada iyo shaqaalaha ku hawlan howlgalka, isagoo si gaar ah u ammaanay dadaalka iyo xirfadda ay u adeegayaan bulshada reer Kismaayo.
Mashruucan biyo-mareenka ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda Hoose ee lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, laguna horumarinayo bilicda guud ee magaalada, si looga hortago fatahaadaha iyo biyo istaagga inta lagu jiro xilliyada roobka.
dhameystirka biyo-mareenka ayaa la filayaa in ay wax weyn ka tari doonto hagaajinta nidaamka daad-mareenka iyo kor u qaadista muuqaalka magaalada Kismaayo.