
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa xukunno kala duwan ku ridday saddex eedeysane oo lagu soo oogay dambiyo la xiriira la shaqeeynta Maleeshiyaadka khawaarjita.
Nuur Yuusuf Sanay ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ciidan ah iyo inuu soo celiyo qoriga dowladda, Cabdirashiid Cali Xasan (Cabdiyow) ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, halka Cabdixakiin Nuur Xasan lagu xukumay hal sano oo il-ku-hayn ah iyo ganaax dhan $1,000, iyadoo sidoo kale la amray in dib loogu celiyo degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







