Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Jubbaland oo kormeer ku tegey dugsiyada waxbarasho ee degmada Doolow ee gobolka gedo.

0
285
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland mudane Axmed Faarax Cali (Aweys) ayaa kormeer ku tegey dugsiyada waxbarasho ee degmada Doolow ee gobolka gedo.
Agaasimaha ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu la kulmay Maamulka dugsiyada, Macallimiinta, gudiyada waxbarasho, waalidiinta iyo ardayda,
Kormeerka Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada Jubbaland waxaa ku wehelinaaye masuuliyiinta ugu saraysa hay’ada Unicef Somalia.
Mudane Axmed Faarax Cali Aweys Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Jubbaland ayaa bulshada ku booriyey kuna wacyigeliyey qiimaha ay waxbarashadu u leedahay aadanaha.