
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen Baraki, oo ay weheliyaan maamulka Degmada Dhobley iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa xarigga ka jaray ceel-biyood ay Wasaaraddu dib-u-habayn iyo ballaarin ku samaysay, kaas oo ku yaalla xaafadda Danwadaag ee Degmada Dhobley.
Ceelkan ayaa lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, waxaana lagu soo kordhiyay nidaamyo casri ah iyo qalab cusub, si bulshada loogu fududeeyo helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah.
Mashruucan ayaa qayb ka ah Mashruuca Abaartir, oo uu taageero ka leeyahay Bangiga Adduunka (World Bank).


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







