Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Kismaayo ka Furay Wajiga Labaad ee Aqoon-isweydaarsiga Mashruuca Bulsho

0
94
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle ayaa magaalada Kismaayo ka furay qaybtiisa labaad aqoon-isweydaarsi ku saabsan Mashruuca Bulsho ee Jubbaland
Aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha Hormarinta Mashaaricda iyo Xariirka Hay’adaha Gobolka Gedo, Gudoomiyeyaasha Degmoooyinka Afmadow, Dhoobley, Luuq, Ceelwaaq iyo masuuliyiin kale
Aqoon is wiidaarsigan oo uu soo jeedinayey Maareeyaha Mashruuca Bulsho ee Jubaland, Mudane Cabdiwaaxid Xaaji ayaa inta badan lagu lafa gurayay hababka loo fulinayo mashruuca, laguna xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada kala duwan, si looga jawaabo baahiyaha iyo danaha shacabka Jubbaland