Jubbaland oo dhoobley ka fulinaysa mashaariic waxbarasho

487

Waxaa degmada Dhoobley saaka si  diiran loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo uu hor kacayo wasiirka wasaaradda waxbarashada Jubbaland Mudane Cabdi Naasir seeraar Maax ujeedka socdaalka wasiirka ayaa ku qotoma howlo shaqo oo la xariira ukuur galida xaalada waxbarasho ee degmada Dhoobley .

Wasaaradda waxbarashada  Jubbaland oo ku howlan horumarinta adeega waxbarashada deegaanada dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Dhoobley ay ka hirgaliso dugsiyo waxbarasho iyo sidookale dayactirka iskuulaad horaan ugu baahnaa dib uhabeen.

Wasiirka waxbarashada Jubbaland Mudane Cabdi Naasir seeraar Maax oo ka mahad celiyay soo dhawayntii diiraneed oo ay usoo sameeyeen dadka reer dhoobley ayaa sheegay in safarkooda uu ujeedkiisa yahay hirgalinta iskuulaad cusub iyo sidookale wax ka qabashada baahiyaha iskuulaadka degmada iyo deegaanada kale ee ku hareeraysan .

safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qaadan doona mudo todobaad ah .