
Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Ciidanka Booliska gaarka ah ayaa howlgallo amni–xaqiijin ah ka fuliyay deegaano dhaca xeebaha oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Howlgalladan oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadgelyada ayaa gaarey ilaa deegaanka Kudhaa.
Intii ay ciidamada ku guda jireen socdaal kooda, waxay ku baacsadeen koox ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay wiiqaan amniga deegaanka.
Ciidamada Booliska gaarka ah oo u tababaran la dagaalanka koxaha Nabadiidka ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan dhaq-dhaqaaqyadii kooxdaas ay ka wadeen deegaanka iyagoo sii adkeeyay howlgalka lagu sugayo xasilloonida xeebaha.
Ugu dambayn, saraakiisha howlgalka hoggaamineysay Xildhibaano la socday ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ku sugan Kudhaa, iyagoo kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta qorshayaasha amni–sugidda ee gobolka.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo nabadgelyada xeebaha iyo kahortaga falalka amni-darrada ee kooxaha Khawaarijta ay ka geesan karaan deegaanadaasi balse Ciidanka Booliska gaarka ah ayaa inta badan goobahaasi bad iyo barrigaba ka fuliya Howlgalo Amniga lagu xaqiijimayo kuwaasi oo Todobaadkasta ka fuliya Deegaanada dhaca dhulka Xeebaha.










