Wasaaradda Kaluumaysiga Jubbaland oo digniin u dirtay kaluumaysatada Kismaayo

720

Wasaaradda Kaluumaysiga Jubbaland ayaa diginin u dirtay Dadka kaluumaysatadda ah iyo dadka kale ee degan Jaziiradaha xeebaha gobolka Jubbada Hoose iyo kuwa kuwa u dabaal taga xeebaha magaalada Kismaayo.

 

Labadii maalin ee ugu danbaysay ayaa waxaa xeebaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada kudhow waxaa ka dhacayey  dabaylo xoogan,kuwaasi oo burburiyey Guryo ku dhow xeebta magaalada Kismaayo.

 

Gudoomiyaha Iskaashatooyinka kaluumaysatada Jubbaland Cabdirahmaan maxamed Faarah ayaa ugu horayn ka hadlay xaaladda badda ee xiliga iyo dhibaatooyinka qabsan kara kaluumaysatada.

 

Wasiir kuxigeenka wasaaradda kaluumaysiga Jubbaland Mohamed Cumar Buuno ayaa isagana diginin u diray Kaluumaysatada gobolka Jubadda Hoose iyo waliba dadka ku nool Jasiiradaha,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in taxadar la muujiyo.