Taliska CXDS oo Markale ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Alshabaab

0
1448

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal Ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee howlgalkaan ay tahay in ay gacanta ku dhiggaan degmooyinka ay Maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Gobolada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay  isku  furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in dhammaan Maleeshiyaad  Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.