
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland mudane Axmed Naaji xaaji Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u furay shirka rubuc-sanadeedka (Quarterly Financial Meeting) ee mashruuca GPE, kaas oo muhiim u ah horumarinta nidaamka waxbarashada dalka.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee heer Federaal, Dowlad-goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir, ayaa ka qabsoomay magaalada Kismaayo, oo martigelisay kulankan heer qaran ah. Ujeeddada shirkan ayaa ahayd dib-u-eegista waxqabadka saddexdii bilood ee la soo dhaafay, is-weydaarsiga khibradaha, iyo dejinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo hirgelinta mashruuca GPE.
Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray caqabadaha ka jira hirgelinta mashruuca, gaar ahaan dhinacyada maamulka maaliyadda, daahfurnaanta, iyo dedejinta fulinta hawlaha qorshaysan.
Waxaa sidoo kale si qoto dheer loo falanqeeyey aragtiyaha iyo talooyinka ay soo jeediyeen dhammaan masuuliyiintii ka qayb-gashay shirka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow iyo isfaham buuxa si loo gaaro natiijooyin la taaban karo.
Doodaha iyo falanqaynta ka dib, waxaa la isku raacay in la xoojiyo hababka isla xisaabtanka, la hagaajiyo hannaanka warbixinta maaliyadeed, iyo in la dardar-geliyo hirgelinta qorshayaasha waxbarasho ee heer qaran iyo heer dowlada jubbaland .
Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay dhinacyada kala duwan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta waxbarashada.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta ka qayb-gashay shirka ayaa booqasho sharafeed ugu tagay xafiiskiisa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax.
Wasiirka ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey hawlwadeenada, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay wadaan iyo shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, hufnaanta, iyo daacadnimada shaqadooda si loo gaaro horumar waara oo dhanka waxbarashada ah.
Gabagabadii, shirkan rubuc-sanadeedka ah wuxuu noqday mid miro-dhal ah oo horseeday is-afgarad iyo jihayn cad oo ku aaddan horumarinta mashruuca GPE iyo guud ahaan tayeynta nidaamka waxbarashada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







