
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay tababar ku saabsan ogaanshaha cudurrada dillaaca, u-diyaargarowga iyo qorsheynta ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Tababarka waxaa goob-joog ahaa Madaxa Talaalka ee Wasaaradda, Dr. Cabdinaasir, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Jaamuus, iyo Isuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo, Maxamed Sheekh.
Tababarka ayaa loo qabtay shaqaalaha ka howlgala xarumaha caafimaadka ee Degmada Kismaayo, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo awoodda shaqaalaha ee ogaanshaha hore ee cudurrada dillaaca, diyaar-garowga iyo qorsheynta jawaab-celinta.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo awoodda shaqaalaha caafimaadka ee ka hortagga, ogaanshaha iyo xakamaynta cudurrada dillaaca, iyo in la helo jawaab-celin degdeg ah marka ay soo baxaan xaalado caafimaad oo degdeg ah
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland oo Kismaayo Ku Qabatay Tababar Caafimaad

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







