
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furay kulan looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto carruurta iyo askareynta carruurta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, laamaha amniga iyo bulshada rayidka ah, si loo ilaaliyo xuquuqda carruurta loona xoojiyo dadaallada ka hortagga tacaddiyada iyo askareynta carruurta.
Waxaa kulanka ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo, iyo saraakiil ka kala socotay Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Dowladda Jubbaland.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta carruurta, wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga hay’adaha ay khuseyso arrintan.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







