Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay Qodobo Muhiim ah

1057
Cabdifataax Cali Maxamed (Daljir)

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta oo khamiis ah uu shir gudoomiyey madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu meelmariyey xeerka hay’adda tayo-dhowrka.

Xeerkaan uu maanta meelmariyey golaha wasiirada Jubbaland ayaa ahmiyad gaar ah siinaya cunnooyinka laga soo dajiyo dekadda magaalada Kismaayo iyo kuwa laga keeno wadamada Somaliya dariska la ah,Waxaa kale oo xeerkaan ku xusan sida loo ilaalinaayo tayada waxyaabaha laga dhoofinaayo deegaanada Jubbaland sida uu warbaahinta Jubbaland u sheegay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan.

Xeerka tayo dhowrka ayaa waxaa soo gudbisay wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland si kor loogu qaado cafimaadka cunnooyinka imaanaya gudaha dalka iyo hubinta tayada dalagyada ka soo go’a beeraha ee laga dhoofiyo gudaha dalka qaasatan dekada magaalada Kismaayo.

Kulanka maanta ee golaha wasiirada ayaa  sidoo kale looga hadlay arimaha amniga ee deegaamada Jubbaland,waxaa kale oo  warbixino looga dhagaystay qaar ka mida wasaarada Jubbaland.

Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay warbaahinta Jubbaland.