
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ee Nairobi, Agaasimaha Hay’adda u qaabilsan Gobolka, Mr. Frantz Celestin.
Iyadoo dunida ay wajaheyso dhaqaale xumo baahsan, Hay’adaha badan ay joojiyeen kaalmadii gargaarka, shaqaale badanna ay waayeen shaqadoodii kadib markii Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyey deeqihii Caalamka, isla markaana saameynta dagaallada ka socda gobolka ay sii xumeeyeen xaaladda, Wasiirka ayaa kala hadlay Hay’adda IOM sidii loo hindisi lahaa hal-abuur cusub oo xal looga heli karo caqabadaha hakinta deeqaha iyo guud ahaan dhaqaale xumada, sida; xoojinta wada shaqeynta Dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, ganacsatada, qurbo-joogta, iyo dardargelinta wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, iyo kalluunka.
Jubbaland, oo ah deegaan hodan ku ah wax-soo-saarka, ayaa xusid mudan in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam horey u saxiixay siyaasad iyo shuruuc u sahashay hay’adaha caalamiga ah in ay maalgashadaan kana howlgalaan Jubbaland. Wasiirku waxa uu kala hadlay Agaasimaha in Hay’adda IOM ay Jubbaland ku taageerto horumarinta wax-soo-saarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Agaasimaha Hay’adda IOM u qaabilsan Gobolka, Mr. Frantz Celestin, ayaa isku afgartay xoojinta wada shaqeynta Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay.