Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland oo Ka Qeybgalay Shir Ku Saabsan Waraabka Beeraha

0
6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland oo ka qeyb galay shir looga hadlayo siyaasadda maaraynta waraabka beeraha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, Mudane Maxamed Mursal Xirsi, oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Beeraha ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shir looga hadlayo siyaasadda iyo maaraynta waraabka beeraha ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hay’adda FAO-Somalia, gaar ahaan Mashruuca JOSB, iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo socon doona muddo kooban ayaa diiradda lagu saaraya sidii loo horumarin lahaa nidaamka waraabka beeraha, loona sameyn lahaa hannaan iyo siyaasado mideysan oo wax ku ool ah, kuwaas oo mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in shirka kasoo baxaan hagayaal, talooyin iyo siyaasado mideysan oo horseedi kara in si wanaagsan loo maareeyo loona horumariyo adeegyada waraabka beeraha, gaar ahaan deegaanada dalka ee ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha.