Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Jubbaland oo Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdizaiiz Xasan Mohamed Laftagareen

0
4
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo howlo shaqo u jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Kulanka oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayay Guddoomiyaha Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen (Lafey), ayaa looga wada hadlay arrimaha kala-guurka siyaasadeed, xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga deegaannada.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo wada-tashi joogto ah oo dhex mara dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo dowladnimada.
SHARE
Previous article