
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu riday gacan-ku-dhiigle Diiriye Bishaar Cabdullaahi, kaas oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal kala duwan.
Eedaysanaha ayaa lagu caddeeyay inuu sanadkii 2022 dilay Aadan Maxamed Bare, halka dilka labaad uu u geystay Ismaaciil Aadan Ibraahim, kaas oo dhacay 20/01/2026.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa horey u dhagaysatay garmaqalka kiiskan laba fadhi oo kala duwan, ka hor inta aan maanta si rasmi ah loo shaacin xukunka kama dambaysta ah.
Xukunka ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid), waxaana garab taagnaa labada garsoore ee kala ah Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dhariiran) iyo Cumar Maxamed Cabdi (Timo-weyne).
Sidoo kale, dacwadda waxaa matalayay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, oo soo jeediyay eedeymaha ka dhanka ah danbiilaah la xukumay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







