Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

775

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Dhalinyarada dalkaas u tagtay inay ka Shaqeystaan.

Wiilka Dhalinyarada ah oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal ayaa xilliga la dilay ku sugnaa Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town, isaga oo ku wajahnaa Goob uu ka Shaqeeynayay.

”  Saacado ayuu naga maqnaa oo adeeg ayuu u doonay Goobta Shaqada, isaga oo Gaari ku wada adeega ayay Kooxo hubeysan dhowr xaabdood uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa wadada oo ciriiri aheyd ayuu yiri” Mid kamid ah dadkii la Shaqeeynayay.

Kooxihii Burcadda ahaa ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa goobta ka baxsaday kahor intaysan Booliska soo gaarin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah loogu dilaaa Soomaalida ku Ganacsata in kastoo sanadkaan dilalka uu yaraaday, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay inay waxka qabato beegsiga lagu haayo Soomaalida.