Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo casuumay ku dhowaad 85 suxufi oo kala yimid dalka&Dibadaba

0
260
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jubbaland, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa qado sharaf u sameeyay ku dhowaad 85 suxufi oo ka kala yimid Puntland, Nairobi iyo Muqdisho, kuwaas oo door muuqda ka qaatay tabinta Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdifitaax ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka, xirfadda iyo masuuliyadda ay muujiyeen saxafiyiintu intii uu shirku socday, isagoo xusay in warbaahintu tahay laf-dhabarta wacyigelinta bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ku leedahay horumarka iyo midnimada dalka.
Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Jubbaland waxay mar walba ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay warbaahinta, iyo taageeridda doorka sharafta leh ee saxafiyiintu ku leeyihiin gudbinta xog sugan, hufan oo la isku hallayn karo.
Kulanka qadada waxaa sidoo kale ka qaybgalay Dr. Koofi Adam iyo qaar kamid ah Wasiirrada Dowladda Jubbaland, kuwaas oo dhankooda ku amaanay saxafiyiinta doorka ay ka qaateen tabinta shirka.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dhammaan saxafiyiinta ka soo qeyb galay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo anshaxa mihnadeed ee ay ku suntan yihiin.