Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayay mowqifka Bulshada Jubbaland ee ku aaddan geeddi-socodka wax ka beddelka Dastuurka KMG ah

0
162
Magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayay mowqifka Bulshada Jubbaland ee ku aaddan geeddi-socodka wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo aan ahayn mid ku salaysan heshiis qaran.
Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbaland, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo, iyo qaybo kala duwan oo ka tirsan bulshada rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.
Bulshada Jubbaland ayaa kulanka ka muujisay walaac xooggan oo ku saabsan tallaabooyinka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso wax ka beddelka Dastuurka, iyagoo ku eedeeyay in ay jiraan ku xadgudubyo Dastuuri ah, isla markaana uusan jirin wada-tashi loo dhan yahay oo arrintaas lagu saleeyay.
Mas’uuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee kulanka ka hadlay ayaa si cad u adkeeyay in Dastuurka KMG ah uu yahay heshiis qaran, isla markaana wax ka beddelkiisu u baahan yahay hannaan sharci ah, wada-tashi ballaaran, iyo oggolaansho guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.