Ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay Muqdisho si ay u fuliyaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

493

Waxaa Duleedka Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa oo loo diyaariyey in ay ka qayb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab

Sidoo kale deegaanka Gubadleey ayey isku diyaariyeen qaybo ka tirsan Ciidan xooga oo loo diyaariyey dib u xoraynta dalka iyo ku biiritaanka howlgallada ka socda Gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidankan iyo gadiidkan ayaa waxay qayb ka yihiin abaabul dagaal xoogan oo maalmahan si weyn uga socday Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiisha joogay Halkii lagu soo bandhigay dhoolatuska Ciidan ayaa sheegay in la joogo waqtigii dadka Soomaaliyeed ay dareemi lahaayeen neecaawda nabaddeed iyo mid dowladnimo.

Todobaadyo ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa Muqdisho uga baxay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la geeyay degmada Cdalle, waxaana ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada & degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.