Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo ufariisatay mar labaad Dacwadda Dilka loo Haysto Maan Bile Cali Faarax

0
369
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa u fadhiisatay dhageysiga labaad ee dacwad ciqaabeed loo haysto eedeysane Maan Bile Cali Faarax, oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, oo kamid ahaa muwaadiniinta Jubbaland ee ku noolaa degmada Kismaayo.
Fadhiga Maxkamadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda, labadiisa ku-xigeen, Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, baarayaasha kiiska, qareenka difaacayay eedeysanaha, iyo sidoo kale ehellada labada dhinac ee kiisku khuseeyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay kiiska ay maanta maxkamaddu u fadhiisatay.