Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Qabatay kullan ku saabsan Dhibaatada Qashinka

0
240
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland ayaa

magaalada Kismaayo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa gododka qashinka iyo sameynta ka dhalata.
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane ismaciil Ahmed Garas, wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumada Dowlada Jubaland, Maamulka Hay’adda Tayo-dhowrka Jubbaland, Maamulka Degmada Kismaayo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo Qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay qodobo kala duwan sida: Cawaaqibta ka dhalan karta Godka qashinka saamaynta uu ku leeyahay caafimaadka bulshada, Baahida loo qabo in la sameeyo godadka qashinka oo saaid oga fog deegaanka ,wacyigelin joogto ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka, Habraacyo iyo qorshayaal lagu yareyn karo qashinka iyo wasakhda deegaanka iyo Iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah si loo gaaro natiijo muuqata.
Shirkan ayaa gabagabadiisa la isla qaatay ka shaqeynta hirgelinta go’aannada la isla meel dhigay, iyadoo la dejinayo jadwal shaqo oo cad, lana hubinayo in qorshayaashaasi ay noqdaan kuwo la taaban karo oo wax badala si aysan dib ugu laaban bulshada goobihii qashinka lagu gubay