Ciidamada halyeeyada Jubbaland iyo XDS oo Jab xooggan gaarsiiyay Khawaarijta hubna gacanta ku dhigay

0
123
Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaal culus oo  ka dhacay howdka Dhasheeg-Waamo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Dagaalka oo ahaa mid fool-ka-fool ah ayaa saacado badan socday, waxaana ciidamada geesiyaasha ah ay gudaha u galeen godadkii iyo fariisimihii ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen. Intii uu socday howlgalka ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka kuwo kale lagu qabtay iyagoo nool.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay maleeshiyaadku isticmaali jireen, kuwaas oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, AK-47 iyo saanado kale oo ciidan.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayaan ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka Jubbada Hoose.