Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland oo biyo dhaamin ubilowday dadka ay abaaruhu saameeyeen

0
255
Iyadoo deegaanada Jubaland ay ka jiraan abaaro saameeyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, ayeey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland waxay howlo biyo-dhaamin ah ka billowday deegaanno dhaca gakbeedka Kismaayo oo ka mid ah meelaha ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.
Deegaanada ay Wasaaraddu ka billowday biyo-dhaaminta ayaa waxaa ka mid ah: Barkada Shariifada iyo Koran Uusle, iyadoo tuulooyin kale ay weli harsan yihiin, halkaas oo laga soo sheegayo biyo la’aan baahsan.
Shacabka ku nool deegaannada howshan laga fuliyay ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo hay’adda Bisha Cas ee Qatar oo dhaqaalaha ku deeqday uga mahadceliyay taageeradooda, iyagoo Ilaahay uga baryay dhammaantood inuu wax ka khayr badan ugu bedelo.
Ugu dambeyn, shacabka deegaannadaas ku nool ayaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool ka dalbaday inay u soo gurmadaan, ayna ka caawiyaan baahiyaha ay qabaan.